Berbera maxay udub-dhexaad ugu tahay loollanka awoodaha Badda Cas?

Sunday September 20, 2026 - 17:44:24
MeMO Staff
Warbaahinta Ingiriiska ee Middle East Eye, ayaa warbixin ay maanta baahisay kaga hadashay doorka istiraatiijiga ah ee dekedda Berbera iyo sida ay ugu dhex jirto loollanka juqraafi-siyaasadeed iyo dhaqaale ee ka jira gobolka Badda Cas.
Sida warbixinta lagu xusay, Berbera oo dhacda waqooyi galbeed Soomaaliya, waxa ay qarniyo badan ahayd marin laga soo galo Afrika iyo xarun ganacsi oo isku xirta Bariga Dhexe iyo Bariga Fog, waxaana muhiimaddeeda la diiwaangeliyey tan iyo qarnigii koowaad.

Waxaa lagu xusay qoraal uu sameeyey dal-mareen aan magaciisa la garanayn oo ku hadlayay afka Giriigga, kaas oo qoray Periplus of the Erythraean Sea, oo ah qoraal taariikhi ah oo ka warramaya dekedihii ganacsiga ee qadiimiga ahaa ee gobolka.

Berbera, oo xilligaas loo yaqaanay Malaô, waxaa lagu tilmaamay magaalo-suuqeed nabdoon oo laga soo dejin jiray naxaasta, dharka, lacagaha dahabka ah iyo muraayado laga keeno Hindiya. Dhanka kale, waxaa halkaas laga dhoofin jiray foox, malmal iyo qorfe loo diri jiray Carabta.

Periplus of the Erythraean Sea, oo la sheegay in la qoray qarnigii 1-aad ee taariikhda Miilaadiga, ayaa sheegay in dekedda Berbera sidoo kale laga dhoofin jiray mararka qaar dad afrikaan ah oo addoonsi ahaan dibadaha loo iib-geyn jiray.

Maanta, Berbera waxay ku taallaa bartamaha loollan juqraafiyeed iyo dhaqaale oo xooggan oo ku saabsan cidda maamuli doonta guud ahaan Badda Cas. Dagaal kasta oo aad eegto, Berbera waxay noqon kartaa mid ka mid ah goobaha uu loollanku saameeyo.

Dhinaca kale ee Gacanka Cadmeed, Xuutiyiinta Yemen ee gacan-saarka la leh dowladda shiicada Iiraan waxay si taxaddar leh ula socdaan maamullada Yahuudda iyo Imaaraadka oo saldhigyo millatari ka samaysanaya kuna sii xoogaysanaya Berbera.

Sannadkii 2017, Imaaraadku wuxuu Berbera ka sameystay saldhig milatari. Waxaanay muujinayaan sawirro dayax-gacmeed oo dhowaan ay faafiyeen falanqeeyayaal xogta ilaha furan ka shaqeeya, in Imaaraadku ballaariyay joogitaankiisa garoonka diyaaradaha Berbera.

Sida Xogta Ilaha Furan ay sheegeen, waxa la dhisay goobo cusub oo gantaallada dhulka-ilaa-hawada ah, xarumo raadaar iyo hangarro. Imaaraadku wuxuu sidoo kale dhisayaa xarun ciidan oo badeed oo dhowr kiiloomitir u jirta dekedda ganacsiga ee Berbera.

Dhismaha xarumahan millateri ayaa ku soo beegmay xilli ay sii kordhayaan xiisadaha u dhexeeya Yahuudda iyo Xuutiyiinta. Iyadoo dagaalka Maraykanka iyo Sahaayinadu ay kula jiraan Iran si weyn looga dareemayo magaalada Berbera.

Dad badan oo ku nool Bariga Afrika waxay u arkaan in dagaalka ka holcaya Bariga Dhexe uu fursado cusub u abuuri karo Berbera, maadaama loo baahan yahay marinnno ganacsi oo kale oo beddel u noqda waddooyinka hadda jira.

Fikirkan ayaa qayb ahaan sharaxaya sababta Dubai ay maalgashiyadeeda dekedaha uga ballaarisay Gacanka. Hase yeeshee, ka-qaybgalka ganacsi ee DP World ee Berbera wuxuu sidoo kale soo baxay xilli ay isbeddelayeen mudnaanta amni ee gobolka.

Reuters ayaa soo werisay Diseembar 2024 in Abu Dhabi ay garoonka diyaaradaha Berbera u adeegsan jirtay meel ay ku hakadaan diyaarado siday qalab millatari oo ku wajahnaa Maleeshiyaadka RSF ee dagaalka kula jira ciidanka Suudaan ee taageerada ka hela Masar, Turkiga iyo Sacuudiga.

Horaantii sannadkan, Imaaraadku wuxuu sidoo kale Berbera uga daadgureeyey xulafadiisa iyo hoggaamiyaha dhaqdhaqaaqa gooni-u-goosadka Koonfurta Yemen, Caydaruus al-Zubaydi, kaddib markii Sacuudigu weerar ku qaaday kooxdaas.

Berbera waxay ku taallaa meel istiraatiiji ah oo ay ku kulmaan dano kala duwan, taasoo siinaysa muhiimad gaar ah marka laga hadlayo xiriirka iyo gorgortanka dhinacyada kala duwan.

Sahmiyihii la oran jiray Richard Francis Burton ayaa Berbera yimid sannadkii 1854-kii, xilligaas oo uu sahamin u waday Shirkaddii East India Company. Buuggiisii First Footsteps in East Africa, Burton wuxuu si weyn u ammaanay Berbera, waxaanu isagoo ka doorbidaya Cadan uu ku tilmaamay "xarunta ganacsiga ee Bariga Afrika.”

Wuxuu xusay cimiladeedu ay tahay mid aad u wanaagsan, isla markaana leh biyo macaan oo badan iyo sidoo kale deked aad u wanaagsan. Hase yeeshee, markii dambe dagaal ay dagaalyahanno Soomaali ah ku qaadeen sahamiyeyaashii Ingiriiska ayuu Richard Francis Burton ku dhaawacmay, kadib markii wejiga waran looga dhuftay.

Madaxdii Soomaalida ee Berbera xukumi jirtay ayaa iyaguna fahansanaa muhiimadda goobtaas. Horraantii 1979, Siyaad Barre ayaa Maraykanka u soo bandhigay in uu isticmaalo saldhiggii hore ee ciidamada badda iyo cirka ee Midowgii Soofiyeeti ee Berbera, kaddib markii Moscow ay u weecatay dhinaca dowladda Xabashida Itoobiya.

Maraykanku wuxuu Berbera yimid bartamihii 1980-meeyadii, isagoo dib u hagaajiyey dhabbaha diyaaradaha ee garoonka oo dhererkiisu yahay 15,000 feet, kaas oo xilligaas ahaa dhabaha diyaaradaha ee ugu dheer qaaradda Afrika.

Haatan, shirkadda Imaaraatiga ee DP World, Berbera waxay u tahay marin muhiim ah oo lagu gaaro koonfurta Itoobiya, oo ah gobol sii kobcaya dhinaca beeraha iyo warshadaha, isla markaana Itoobiya ay tahay dalka labaad ee Afrika ugu dadka badan.

"Berbera waxaa loogu talagalay inay noqoto dekedda koonfurta Itoobiya,” ayuu yiri ganacsade xog-ogaal ah oo ku sugan caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, kaas oo dano ku leh dekedaha, sida ay sheegtay warbaahinta Middle East Eye.

Bishii Janaayo 2024, Hargysa iyo Addis Ababa, waxay kala saxiixdeen heshiis qaybo ka mida xeebaha Somaliland lagu siinayo dowladda Itoobiya. Halka R/Wasaare Abiy Axmed uu ballanqaadday inuu dal madax-bannaan u aqoonsanayo maamulka Somaliland.

Hase yeeshee, heshiiskaasi waa uu fashilmay mana hirgelin, dekedduna waxay ku shaqaynaysaa ku dhowaad 30% awooddeeda, sida uu Middle East Eye u sheegay Jama Maxamed Axmed, oo ah agaasimaha ganacsiga ee DP World ee Geeska Afrika.

Sannadkii 2023, Bangiga Adduunku wuxuu Berbera ku tilmaamay dekedda ugu wax-ku-oolsan dalalka Afrika ee ka hooseysa Saxaraha. Iyadoo weli Itoobiya aysan ka rajo-dhigin damaceeda marin-badeed ay ka hesho Somaliland, arrintaas oo ay si weyn u soo dhawaynayso shirkadda DP World.

Dhanka kale, Imaaraadka oo xulafo ay yihiin Yahuudda ayaa la filayaa inay ka wada shaqayn doonaan xoojinta iskaashiga millatari ee Berbera. Iyadoo safiirka Sahaayinada ee Addis Ababa uu isna dhawaan ka dhawaajiyey in Itoobiya ay kala shaqaynayaan sidii marin-badeed ay ku xaqiijin lahayd.

Itoobiya waxay xiriir dhow la leedahay maamullada Imaaraadka iyo Yahuudda, wax diidmo ah-na kama aysan muujin aqoonsigii iyo sidoo kale heshiisyadii diblomaasiyadeed ee dhawaan dhex-maray C/Raxmaan-Cirro iyo Binjamin Netanyahu.

Middle East Eye waxay sheegtay in ay muuqato in maamulka Yahuuddu ay magaalada istaraatiiji ah ee Berbera ka dhaqan-gelin doonaan saldhig millateri. Iyadoo mas’uul ka tirsan xukuumadihii hore ee Somaliland-na uu sheegay in arrintaasi uu soo dhawaynayo.

"Waxaan taageeri lahaa in Maraykanka iyo Israel labaduba saldhig ku yeeshaan Berbera,” ayuu Bashe Cawil Cumar oo ahaa safiirkii hore ee Somaliland u fadhiyay Imaaraadka Carabta uu u sheegay warbaahinta Middle East Eye.

Baashe oo la weydiiyey khatarta ka dhalan kara haddii Maraykanka iyo Yahuuddu ku xoogaystaan dekedda ayaa ku jawaabay "Haddii Maraykanku yimaado Berbera oo uu tusaale ahaan Xuutiyiinta weeraro, Xuutiyiintuna way ka aargoosan doonaan. Sidaas darteed, haddii ay Berbera u adeegsadaan arrintaas, waa inay beddelkeeda ku bixiyaan aqoonsi.”

FG: Fadlan kusoo biir baraha xiriirka bulshada ee aanu ku leenahay:

Related Items

Update cookies preferences